Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo ku adkeystay qabashada doorasho ayadoo Jubaland iyo mucaaradka ay diideen


Farmaajo iyo Axmed Madoobe
Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeystay in xukuumadda Soomaaliya ay qabaneyso doorashada ayada oo, sida uu sheegay, la fulinayo heshiiskii doorashada, xilli ay ka digeen Musharaxiinta Mucaaradka, maamulka Jubaland-na uu sheegay inuusan doorasho qaban karin.

Qoraal uu soo saaray ayuu madaxweynaha ku sheegay inuu bogaadinayo “dadaallada” ay xukuumadda gelisay arrimaha doorashada iyo “fulinta” doorkii kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay inuu u mahadcelinayo Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inaysan qabin karin doorsho illaa gacantooda lagu soo celiyo maamulka gobolka Gedo, oo Jubaland ay sheegtay “in lagu hayo burburin iyo xadgudubyo.”

“Dowlad Goboleedka Jubaland waxay caddaynaysa in aanay doorasho ku qabin karin meel aan sharci iyo kala dambayni ka jirin, ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland.

Jubaland ayaa sheegtay inay dalbanayso gacanteeda lagu soo celiyo maamulka, garsoorka iyo amniga gudaha gobolka Gedo, oo ay sheegtay “inay 10 bilood ka hor la wareegeen ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan ciidanka Nabad Sugidda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Jubaland ayaa ugu dambeyn sheegtay inay uga digayso madaxda Dowladda Federaalku “inay iska indha tiraan cabashooyinka iyo digniinaha ka soo yeeraya saamileyda hanaanka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horeeyaan Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo lagu dalbanayo qabashada doorsho loo siman yahay dastuurkana waafaqsan.”

Sidoo kale, Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa dhaliilay tallaabo ay guddiga doorashada heer federal shalay ku doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu u arkaa in tallaabada ay guddoon ku doorteen guddigii sharci darrida ahaa ee ay dawladda federaalka ah u magacawday doorashooyinka ay tahay iska dhegatir baaqii ay murashaxiinta soo jeediyeen ee gundhiggiisu ahaa in doorasho noqoto mid la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan iyo kusii adkaysi tabihii doorashada uu ku boobi lahaa madaxweynuhu,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha.

“Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ku wargelinayaa in uu qaadayo tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ku dhaco firaaq dastuuri ah. Goluhu wuxuu mar kale uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu qaadayo cawaaqib xumida ka dhalata ku adkaysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.”

XS
SM
MD
LG