Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doon ganacsi oo kusoo xiratay dekedda Hobyo


Hobyo
Hobyo

Doon sidey ganacsi noocyadii kala duwan iyo gaadiidka raaxada ayaa kusoo xiratey dekeda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dekedan ayaa wali ah macmil oo aan la dhisin, hase yeeshee maamulka Galmudug ayaa wada dadaallo dekedda lagu dhisayo, loogana dhigayo mid caalami ah.

Maamulka ayaa dhowaan heshiis la galay shirkado caalami ah oo ay sheegeen inay ka gacan siinayaan in dekedda dib loo dhiso.

Dhinaca kale, maamulka Galmudug ayaa sheegay inay sameynayaan canshuur dhimis, si loo dhiiri-geliyo inay maraakiib kusoo xirtaan dekedda, loona helo dhaqaalo lagu dhiso.

Warkan waxaa Gaalkacyo kasoo direy wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Doon ganacsi oo kusoo xiratay dekedda Hobyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00


XS
SM
MD
LG