Dowladda Soomaaliya ayaa xillgan waxa ay wadahadallo la leedahay shirkado caalami ah oo baara shidaalka. Arintan ayaa waxaa ka horyimid Midowga Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo sheegay in dalku uu ku jiro xilli kala guur ah.
Haddaba, maxay yihiin wadahadallada socda? Maxayse salka ku hayaan wadaxaajoodyada la sheegayo in dowladda Soomaaliya ay kula jirto Shirkadaha shisheeye ee ka socda magaalada Istanbul?
Wariyaha VOAda Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa su’aalahaa iyo kuwo kaleba weydiiyay Eng. Abdulkadir Abiikar Xassan, oo ah khabiir muddo dheer ka shaqeeynayay arimaha shidaalka, ahna Madaxii hore ee Agaasinka Sahanka ee Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.
Facebook Forum