Iska horimaad iyo banaanbax ayaa saakay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo hubeysan iyo ciidamada dowladda.
Iska horimaadka ka dib ayaa magaalada waxaa ka bilowday dibad bax qeyb ka ah banaanbaxyo ay maalmihii la soo dhaafay ka dhigayeen magaalada Beledweyne dad ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.
Wariyaha VOAda Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan inoo soo diray.