Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo mar kale eedeyn u jeedisay Kenya


Osman Dubbe
Osman Dubbe

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale ku celiyey eedaynta ay dawlada federaalka Soomaaliya u jeedinayso dawladda Kenya ee ah faragelin arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya aan laga abaabulin dadka mucaaradka ku ah Kenya. Waxa uu sheegay in taas bedelkeeda Nairobi noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya, lagaga noqdo heshiisyada lagu gaaro Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dawladnimada dhismaysa ee Soomaaliya, sida uu wasiirku hadalka u dhigay.

Waxa uu mar kale ku celiyey oo uu difaacay go’aankii ay Soomaaliya ugu yeeratay safiiirka Nairobi, isla markaana ugu amartay safiirka Kenya inuu ku laabto dalkiisa si uu wadatashi ula soo sameeyo daawladdiisa.
Waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya

Kenya ayaa iyadu horey u beenisay inay faragelinayso Soomaaliya. War saxaafadeed kasoo baxay Kenya Talaadaii shalay ayaa lagu shegay inaysan weli Soomaaliya ka helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan go’aanka la xiriira inay dalkiisa usoo dirtay safiirkii Kenya ee Muqdisho, Lucas Tumbo.

Kenya ayaa sheegtay inay si qoto dheer ugu xun tahay ficillada dowladda Soomaaliya, ay dalkiisa ugu soo dirtay safiir Lucas Tumbo, kuwaasi oo ay ku sheegtay “kuwa nasiib darro ah.”

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kalena musharrixiinta madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya ee ay hoos ugu dhigtay xiriirka Kenya. Musharrixiintu waxay shegeen inay ka walaacsan yihiin oo kale saamaynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karto ganacsatada, ardayda, qaxootiga iyo dadka safraya ee Soomaaliyeed.

Waxa goluhu sheegay inuu uga digayo madaxweynaha in siyaasadda arimaha dibedda loo adeegsado olole doorasho, sida lagu sheegay war saxaafadeedka musharrixiinta.

XS
SM
MD
LG