MUQDISHO —
Dunida waxaa maanta oo kale laga xusaa maalinta la dagaalanka xanuunka HIV/AIDS oo malaayiin qof oo dunida ah ay qabaan.
Waxaa sanadkan dadka qaba xanuunkan HIV/AIDS ay aad ugu sii nuglaayeen caabuqa COVID-19, oo u daran dadka qaba xanuunkaasi, sababtoo ah is difaaca jirkooda oo aad uga liita kan dadka kale.
Dadka la nool xanuunkan ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sannadkan waayeen taageero gaar ah iyo daryeelkii ay u baahnaayeen sababtoo ah cudurka COVID-19.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.