Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo ka jawaabtay go'aan ay Soomaaliya dalkiisa ugu dirtay safiirka Kenya


Uhuru iyo Farmaajo
Uhuru iyo Farmaajo

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inaysan weli Soomaaliya ka helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan go’aan la xiriira inay dalkiisa usoo dirtay safiirkii Kenya ee Muqdisho, Lucas Tumbo.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in si kastaba, ay ka war-heshay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ugu yeeratay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, islamarkaana dalkiisa ugu soo dirtay midkii Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay si qoto dheer ugu xun tahay ficillada dowladda Soomaaliya, ay dalkiisa ugu soo dirtay safiir Lucas Tumbo, kuwaasi oo ay ku sheegtay “kuwa nasiib darro ah.”

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in go'aanka lagu eryey safiirka Kenya ay qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso innuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

Hoos ka aqri qoraalka Kenya

XS
SM
MD
LG