Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal culus oo Al-Shabaab iyo dadka degaanka ku dhex-maray Bacaadweyne


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saaka ka dhaceen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug kadib markii saacadihii hore ee saaka ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Warar ay idaacadda VOA ka heshay dadka degaanka oo sababo amni darteed diiday inay magacooda sheegaan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay markii hore weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee degaankaas ku yaalla, kadibna ay galeen magaalada Bacaadweyne.

Dadka degaanka oo is abaabulay ayaa la sheegay inay weerar rogaal celis ah ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay VOA u sheegeen ilo degaanka ah.

Dadka degaanka ayaa haatan dib u qabsaday magaalada Bacaadweyne. Hase yeeshee khasaaraha dagaalkan ayaa la sheegay inuu badan yahay. Ilo kala duwan oo degaanka ah oo diiday in magacaooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay inay dhinteen afar askari, iyo in ka badan 10 dadka degaanka ah. Dhinaca kale dadka degaanku waxay sheegeen inay dagaalka ku dileen 11 maleeshiyaadka Al-Shabaab ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay cagta mariyeen sadhigga ciidanka milatariga isla markaana ay baabuur qabsadeen. Dadka degaanku waxay dhinaca kale sheegeen inay dib u qabsadeen baabuurtaasi.

XS
SM
MD
LG