Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeeda Kenya, dalkana ka saartay kan Kenya


Tarsan
Tarsan

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tasan, kuna wargelisay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalkiisa ku laabto.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo caawa la hadlay warbaahinta dawladda.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay go'aankan qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso innuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Kenya iyo Axmed Madoobe weli kama jawaabin eedeynta ka timid dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG