Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xubno Al-Shabaab ah oo xukun dil lagu fuliyey


Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo horey loogu helay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, islamarkaana lagu helay eedo ah inay gaysteen dilal iyo falal argagixiso ah.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jiray nin lagu magacaabo Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaan Macallin Ilkacase, kaasi oo horey u qirtay inuu madax ka ahaa unug Al-Shabaab ah oo dilalka ka fulin jiray Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ridday xukunka maanta la fuliyey bishii December ee sannadkii aynu soo dhaafnay.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG