Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay maqaayad ku taal magaalada Muqdisho. Dadka dhintay ayaa ahaa dhallinyaro ku fiidsaneysay maqaayada.
Qaraxan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii uu magaalada booqasho lama filaan ah uu ku tagay kusimaha wasiirka difaaca Maraykanka Christopher Miller oo isagu halkaasi kula kulmay sida la sheegay qaar ka tirsan ciidamada Maraykanka ee Somalia ka howlgala.
Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Muqdisho inooga soo diray wariyaheena Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.
Facebook Forum