Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo laga soo saaray shirkii murashaxiinta ee Muqdisho


Shirka Muqdisho
Shirka Muqdisho

Shir ay musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ah ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, ayada oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Musharaxiinta ayaa dalbaday in la kala diro dhammaan guddiyada doorashada ee la magacaabay ee heer federal iyo heer gobol, islamarkaana la soo magacaabo guddiyo cusub oo ku dhisan wadar-ogol.

Waxay sidoo kale dalbadeen in guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi loo madax-baneeyo inuu soo magacaabo guddiyada doorashada ee ka shaqeynaya xildhibaanada matalaya gobollada Waqooyi.

Musharaxiinta ayaan dhanka kale dalbaday in taliyaha hay’adda Nabad-Sugiida Fahad Yaasiin uu xilka iska casilo, ayaga oo sheegay inuu yahay madaxa ololaha doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay hadalka u dhigeen.

Dalabyada ay soo jeediyaan waxaa sidoo kale ka mid ah in dowladda federaalka ay ka laabato maamul ay sharci-darro ku tilmaameen oo sida ay sheegeen laga dhisay gobolka Gedo.

Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii aan taladooda la dhageysan oo la guda galo taabbo-gelinta doorashada, ay ka shaqeyn doonana inay guda galaan hanaan doorasho “oo dalka lagu bad-baadinayo.”

Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin go'aanadan.

XS
SM
MD
LG