Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa laga filan karaa shirka musharaxiinta ee Muqdisho?


Shirka Muqdisho
Shirka Muqdisho

Magaalada Muqdisho, waxaa maalinkii shanaad ka socda shirka qaar kamid ah musharixiinta madaxtanimada Soomaaliya, kaasi oo ay uga arrinsanayaan waxa ay ka yeelayaan qaabka ay dowladda hadda jirta ay u maamulayso doorashada.

Musharaxiinta ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn guddiga doorashada ee ay dowladdu soo magacawday, waxayna dalbadeen in isbeddel lagu sameeyo.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa shirka ku biirayey dhinacyo kala duwan sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo hoggaanka labada aqal ee baarlamanka.

Dowladda Soomaaliya wali si rasmi ah ugama aysan hadlin shirkan marka laga soo tago xubno dowladda ka tirsan oo ay isku mawqif yihiin musharixiinta oo shirka ka qayb galay.

Hadaba shirkan musharixiinta maxaa laga filan karan, maxay tahay ujeedada ay musharixintu ka leeyihiin shirkan?

Waxaa warbixin arrimahaasi ku aadan nooga diyaariyay Wariya VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Maxaa laga filan karaa shirka musharixiinta ee Muqdisho?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:31 0:00


XS
SM
MD
LG