Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey shirka musharaxiinta ee Muqdisho?


Shirka Muqdisho

Shirkii qaar ka mid ah Musharrixiinta tartanka madaxtinnimada Soomaaliya maalmahan uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii afaraad, iyadoo horey loogu qorsheeyey afar maalmood.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay inay kordhiyeen muddada shirka si ay usii ballaadhiyaan wadatashiga.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa shirka ku biirayey dhinacyo kala duwan sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo hoggaanka labada aqal ee baarlamanka.

Wararkii ugu dambeeyey shirkan waxaa warbixintan nooga soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, oo ku sugan Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:09 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG