Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada dowladda oo qarax lagula eegtay Sh/Hoose


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay babauur ay leeyihiin ciidanka oo marayyey nawaaxiga Yaaqbariweyne.

Laba ilo-wareed oo kala duwan ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali in dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaasi qaraxa ah ee lagu qaaday ciidanka.

Ciidankan ayaa la sheegay in xilliga qaraxa miinada lala eegtay ay kasoo laabanayeen hawlgal ay ka sameeyeen degaanka Leego.

Ururuka Al-Shabaab ayaa qoraallo ay baahiyeen warbaahintooda ku sheegtay mas'uuliyadda qaraxan.

XS
SM
MD
LG