MUQDISHO —
Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shalay banaanka hore ee xarunta saldhiga booliska dagmada Dharkenleey ku gubay jaad dhan 256 jawaan, kaasoo sida ay sheegeen qaab sharci darro ah ku soo galay gudaha dalka Soomaaliya.
Tallaabada ay qaadeen booliska ayaa waxaa walaac ka muujiyey ganacsatada jaadka ee magaalada Muqdisho ee keena qaadka Miraa-ga loo yaqaan ee ka yimaada dalka Kenya.
Ganacsatada ayaa ku doodaya in jaadka Ethiopia ka yimaadaa uu si xor ah ku soo galo dalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey dalka uga joojisay qaadka ka yimaada dalka Kenya, hase yeeshee mararka qaar ayaa waxaa dalka lagu soo geliyaa si qarsoodi ah.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.