Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daahir Geelle: Waxaa noo Muuqata Khatar ku Wajahan Dimuqraadiyadda


Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir wadatashi ah oo ay leeyihiin xubnaha Murashixiinta u taagan doorashada Madaxweyne ee lagu wado in ay Soomaliya ka dhacdo 2021-ka.

Shirkan oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ay siyaasiyiinta mucaaradku ka soo horjeesteen guddiyada doorashada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar ay soo magacaabeen, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay xubno ka yihiin askar iyo shaqaale dowladeed.

Markii la soo gabagabeeyay maalintoo koowaad ee shirka musharraxiinta ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. Geelle ayaa sheegay in ay musharraxiinta u muuqato waxyaabo badan oo sida uu yiri dhaawici kara dimuqraadiyadda iyo hannaanka dowladeed ee dalka.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG