Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran cusub oo hareeyey doorashada Soomaaliya


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Dood xooggan ayaa maalmihii dhowaa ka taagneyd habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada iyo guddiyada doorasho ee la magacaabay.

Siyaasiyiinta Soomaalida qaar ayaa u arkaya hanaanka ay dowlada dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan in ay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga dalka.

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku eedeeyey dowlada dhexe in ay gacan togaaleyneyso maamulada qaar.

Dhinaca kalena, xildhibaan Cabbdixakiim Macallin Axmed ayaa tilmaamey in dowladu dhabihii saxda aheyd ku wado howlaha doorashada, islamarkaana ay iyadu tahay cidda awoodda u leh magacaabista gudiyada doorashada ayna ku saleysey nidaam lagu heshiiyey oo baarlamankuna ansixiyey.

VOA-da ayaa la hadashay labada xildhibaan si ay wax uga ogaato doodadahan iska soo horjeeda.

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Muqdisho ugu warramay wariayheena Cabbdulqaadir Maxamed Cadbdulle.

Wareysiga Mustaf Dhuxulow
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

Falastiin Axmed Iiman oo ku suganna Washington ayaa isna wareysatay xildhibaan Cabbdixakiim Macallin Axmed.

Wareysiga Cabdixakiin Macallin
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG