Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Bajaajleyaal sababo amni dartood u shaqeeya habeenkii kaliya


Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay mootada Bajaajta u noqotay xirfad shaqo, sidoo kalana waxaa ku tiirsan nolosha qoysas badan.

Marka laga yimaado in maalintii Muqidsho ay u noqotay gaadiidka ugu badan ee la isticmaalo, haddana waxaa jira dhallinyaro saxmadda maalintii ee waddooyinka iyo qaraxyada dhaca darteed habeenkii shaqeeya, maalintiina seexda.

Magaalada ayaa inta badan waxaa qaraxyada ay ka dhacaan maalinkii, ayada oo inta badan aysan dhicin wax qaraxyo ah wixii ka dambeeya 8-da habeenimo.

Dhallinyarada shaqeeya habeenkii ayaa sidoo kale sheegay inay ku qanacsan yihiin lacagaha ay shaqada habeenkii ah ka sameeyaan, oo aysan u baahneyn mnaalinkii.

Cabdicasiis Axmed Barrow ayaa warbixintan Muqdisho kasoo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:09 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG