BARDAALE —
Wararka ka imanaya maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad maanta ay markii ugu horraysay muddo ku dhow lix bilood ay ka degtay degmada Bardaale.
Duulimaadyada caadiga ah ayaa hakaday kadib markii bishii May horraantedii diyaarad gargaar sidday ay soo rideen ciidamada Itoobiya sida ay sheegeen dadka degaanka.
Saraakiil ka ag-dhow dawladda Itoobiya ayaa xilligaasi sheegay in ciidanku ay ka shakiyeen diyaaradda.
Warbixintan waxaa noo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.
Facebook Forum