Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ay shan qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyey maqaayad u dhow akadamiyada ciidnaka Booliiska Jeneraal Kaahoye ee degmaa Xamar Jajab, sidaasi waxaa sheegay booliiska

Af-hayenka booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxu uu ka dhacay maqaaxi ay dad shacab ah fadhiistaan oo u dhow dugsiga booliiska Jeneraal Kaahiye.

Afhayeenku waxa uu intaas ku daray inay dhinteen shan qof oo ay ku jiraan rayid. Waxaa sidoo kale meesha ku dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa.

Af-hayeenka booliiska ayaa sheegay inuu socdo baadhitaan ku saabsan qofka is qarxiyey iyo sida ay wax u dhaceen.

Af-hayenka booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa qaraxan uga warramay weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Qarax ay shan qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00



XS
SM
MD
LG