Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid wax soo saarkii gobolka Shabeellada Dhexe kadib muddo sannad iyo bar ah oo wax soo saarka beeraleyda uu xumaaday, sida ay sheegeen beeralayda gobolka.
Wax soo saarka hoos u dhacay ayaa loo aanaynayaa fatahaado keenay inay biyo badan galaan dhul beereedkii.
Shiine Xaashi Dalabey waxaa uu ka mid yahay beeraleyda Gobalka Shabellada Dhexe. Wuxuu weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane uga warramay baaxada khasaaraha soo gaaray beeraha gobolka.