JOWHAR —
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socoda diyaar garowga doorashada madaxda sare ee maamulkaas oo la filayo inay dhacdo 11-ka bishan.
Waxaa magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, waxaana ku sugan odayaasha dhaqanka iyo wakiilo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Weriyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane oo magaalada ku suggan ayaa warbixintan soo diray.