Koox dabeley ah ayaa ku dilay degaan hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe qoys ka kooban hooyo umul ah iyo laba caruur oo uu ku jiro ilmahii yaraa ee umusha ay kula jirtay
Dableyda waxay sidoo kale dhaawaceen hooyo kale iyo wiil shan sano jir ah.
Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu qeyb ka yahay dilal dhowaanahan ka dhacayey deegaanka oo salka ku hayo aano qabiil.
Cabdulqaadir Xaaji Xuseen Xasan oo ka mid ah odayaasha degaanka ayaa wariyaha VOA Xuseen Xassan Dhaqane uga warramay sida ay degaanka wax uga dhaceen.