MOGADISHU —
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa si weyn uga horyimid xubnaha guddiga doorashada ee ka soo jeeda gobollada waqooyi oo dhowaan ay dowladda Soomaaliya magacowday.
Wareysi gaar ah oo uu gudoomiye Cabdi Xaashi siiyay VOA ayuu ku sheegay in aan lagala tashan magacaabista guddigaasi, islamarkaana uusan guddiga ay dowladdu magacowday uusan haysan matalaad sax ah, sida uu hadalka u dhigay.
Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.