Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka HirShabeelle oo doortay guddoomiye iyo ku-xigeen


HirShabelle
HirShabelle

Xildhibaanada Baarlamanka labaad ee HirShabeelle ayaa maanta doortay guddoomiyaha baarlamanka iyo ku-xigeenkiisa koowaad.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamuud, kaasi oo ka adkaaday xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, oo ahaa musharaxii la tartamay.

Doorashada ayaa waxaa codkoosa ka dhiibtay 99 xildhibaan, waxaana Cabdixakiin Luqmaan uu helay 77 cod, halka Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Sidoo kale, Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka, isaga oo helay dhammaan codadka, kadib markii uu tanaasulay musharax Saadaq Salaad Warsame, oo la tartamay.


XS
SM
MD
LG