Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madasha Xisbiyada oo mowqif kasoo saaray doorashada xildhibaanada G/Waqooyi


Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in hannaanka doorashada xubnaha Gobollada Waqooyi ku metelaya Baarlamaanka Federaalka loo hirgeliyo si hufan oo raalli la isaga yahay.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku baaqay in habka doorashada kuraasta Labada Agal BFS ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) iyo hannaanka doorashadooda in lagu saleeyo habraacyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dadbanayd ee 2016.

“Waxa ay Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) cadeyneysaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu yahay mas'uulka ugu mudan xagga Sharciga iyo nidaamka Federaalka labadaba in uu magacaabo xubnaha Guddiyada Doorashada ee Gobollada Waqooyi; maadaama uu yahay siyaasiga ugu maamuuska sarreeya ee la doortay hoggaamiyana siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolladaas isla markaasna hadda ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” aaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Madasha

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG