Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo billad siisay duuliyihii diiday inuu duqeeyo Hargeysa


Somaliland ayaa madaxtooyada magalada Hargeysa xaflad soo dhoweyn ah ugu sameysay Duuliye Axmed Maxamed Xassan oo ahaa duuliye diyaarad dagaal oo diiday in uu fuliyo amar la siiyay oo ahaa in uu duqeeyo Hargeysa.

Dhacdadan ayaa dhacday intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey dowladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya iyo Ururkii SNM ee sanadkii 1988-kii, iyadoo Duuliye Axmed uu diyaaraddii uu duuliyaha ka ahaa ka dejiyay dalka Djibouti.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa billad iyo baasaboorka dublumaasiga ah ee Somaliland gudoonsiiyay Duuliye Axmed Maxamed Xassan.

Warkan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Somaliland oo abaalmarin guddoonsiisay Duuliye Axmed Maxamed Xassan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00


XS
SM
MD
LG