Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho iyo qarax dhimasho leh oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Khasaare nafeed ayaa laga soo sheegayaa degaanka Kaxda kadib toogasho iyo qarax ka dhacay deegaan u dhexeeya degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday. Labadan qof ayaa la sheegay inay olole tallaal ka waden degaanka markii la toogtay.

Dilkaasi kadib ayaa la sheegay inuu isla goobta ka dhacay qarax baabuur kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay inay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya dhimashada dhowr qof kadib qaraxa dhacay.

Haaruun Macruuf ayaa goobjooge magaciisa u qariyey sababo dhinaca amniga ah ka waraystay sida ay wax u dhaceen.

Toogasho iyo qarax dhimasho leh oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00



XS
SM
MD
LG