Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ku dhintay qarax miino oo ay aaseen Al-Shabaab


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Hal askari ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay saaka soo weerareen fadhiisin ciidamadu ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Ciidnaka ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka.

Mid ka mid ah saraakiisha gobolka ayaa VOA u sheegay in markii ciidanku weerarka iska difaaceen ay ciidan kooban dabagaleen maleeshiyada Al-Shabaab.

Saddex ka mid ah ciidanka ayaa la sheegay inay ku qarxday miino ay Al-Shabaab dhigeen inta u dhaxaysa Qansaxdheere iyo Ceel Mashruuc, halkaais oo uu ku dhintay mid ka mid ah askarta.

Mas'uuliyiinta ayaa weerarkan ku tilmaamay arbushaad. Dhinaca kale, maleesshiyada ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarkan ku dileen sarkaal, taasi oo ay beeniyeen mas'uuliyiinta amniga Koonfur Galbeed.

XS
SM
MD
LG