Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 qof oo loo xukumay weerarkii Xabsiga Dhexe


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Maxamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 11 qof ku ridday xukunno kala duwan kadib weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe 10-kii August ee sannadkan.

Maxkamadda ayaa saddex ka tirsan ciidamada asluubta ku xukuntay min 5 sano oo xarig ah, halka mid afraad lagu xukumay addex sano oo xarig ah, iyadoo afar kalena lagu xukumay min 6 bilood oo xarig ah. Dhammaan askartan waxaa lagu helay habacsanaan iyo gudasho la'aan shaqadooda.

Maxamuud Nuur Isaaq oo ganacsi ka dhexfurtay xabsiga ayaa maxkamddu ku heshay in ganacsigiisa loo adeegsaday in hub lasoo geliyo xabsiga. Maxamuud Nuur Isaaq oo markiisii hore ku xukunnaa lix bilood isgoo loo xiray lacagaha Forex ayaa haatan lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

Sidoo kale maxkamaddu waxay dil toogasho ah ku xukuntay Mukhtaar Ibraahim Iidle oo ahaa maxbuus ka tirsan Al-Shabaab oo ku xukunnaa toban sano kaasi oo ka baxsaday xabsiga, isla markaana dilay xubin ka tirsan ciidanka asluubta iyo bajaajle markii uu baxsanayey. Waxaa maxkamaddu Mukhtaar Ibraahim Iidle ku xukuntay dil toogasho ah isagoo maqan.

Maxkkamaddu waxay sheegtay in shaqsiyaadka la xukumay uu racfaan u furan yahay.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

11 qof oo loo xukumay weerarkii Xabsiga Dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:27 0:00


XS
SM
MD
LG