Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Amisom oo dilay haweeney rayid ah kadib qarax lala eegtay


Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Buurane ee Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM inay qaraxaas kadib dileen haweenay, hase yeeshee Af-hayeenka AMISOM Gaashanle Dhexe Charles Imbiyaakha, ayaa beeniyey in ciidamada AMISOM ay dileen haweenay rayid ah.

Charles Imbiyaakha waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM saaka qarax lagula eegtay meel 1 kilomitir iyo badh u jirta xeradooda Buurane. Waxa uu sheegay in firidh ka duulay qaraxaasi uu dilay haweenayda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu ku dhaawacmay qaraxaasi. Af-hayeenka AMISOM waxa uu beeniyey in AMSOM ay wax dhibaato ah u gaysteen dadka rayidka ah.

Sida ay wax u dhaceen ayaa weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane uu ka waraystay mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka Burane oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nuur Cali (Yeerweyne).

Ciidamada Amisom oo dilay haweeney rayid ah kadib qarax lala eegtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:51 0:00


XS
SM
MD
LG