Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya oo la magacaabay


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roble ayaa goor dhowayd ku dhowaaqay Golihiisa cusub ee Wasiirrada.

Golaha cusub ee wasiirrada waxaa ku jira xubno cusub iyo sidoo kale kuwo ka tirsan golihii wasiiirradda ee xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Xubnaha cusub waxaa ka mid ah Cabdi Sheekh, oo loo magacaaba wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, iyo Cumar Cali Rooble, oo loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta

Taliye ku xigeenkii NISA ee ee hore Cabdulqaadir Maxamed Jaamac, ayaa loo magacaabay wasiirka Cadaalada.

Khadiijo Maxamed Diiriye waxaa loo magacaabay wasiirka gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka, halka Duraan Faarax uu noqonayo Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha

Cismaan Dubad ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta, waxaana wasiirka amniga loo magacaabay Xasan Xundubey.

XS
SM
MD
LG