Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fanaanadda Seynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootay


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in galabta ay magaalada ku geeriyootay fannaanadii caanka ahayd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa tobannaan sano kusoo jirtay fanka, waxayna caan ku ahayd heesaha waddaniga, kuwa jacaylka iyo kuwa qiirada.

Seynab Xaaji Cali Baxsan waxay sidoo kale kasoo qaybqaadatay rirwaado badan oo laga dhigay waddanka.

Dadka yaqaanna waxay idaacadda VOA u sheegeen inay fanka bilowday iyadoo da'yar ayna ku soo jirtay muddo ka badan 50 sano.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida fannaanada Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxaana uu uga tacsiyeeyey umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay inay kasoo qaybqaadatay xornimadii waddanka, iyo dhismihii qaranka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Fanaanadda Seynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00


XS
SM
MD
LG