Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar safar nooc cusub ah ku mareysa gobollada Soomaaliya


Muqdisho
Muqdisho

Sanadihii ugu dembeeyay waxaa Soomaaliya kusoo badanayay dumar xirfadlayaal ah oo soo bandhigaya hibooyinkooda, waxayna qaarkood si ay xirfadahooda usoo gudbiyaan ay u maraan dhib badan.

Nadar Garaase Xasan oo ah gabar suxufiyad ah, waxay safar ku mareysaa qaar kamid ah gobollada dalka, si ay sawirro uga qaaddo kadibna ay uga sameyso buug, sawireed ka warramaya taariikhda magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Safarkeeda, oo ah mid nooc cusub ah, ayey kasoo bilowday magaalada Garowe, waxayna hadda ku mareysaa magaalada Muqdisho, ayada oo horay usoo martay deegaanno iyo magaalooyin kale.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Axmed Barrow oo la kulmay ayaa ugu horeyn ka wareystay safarkeeda iyo shaqada ay iminka haayso?

Gabar safar nooc cusub ah ku mareysa gobollada Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:29 0:00


XS
SM
MD
LG