Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Azerbaijan iyo Armenia oo xabbad joojin cusub ku heshiiyay


Azerbaijan Armenia
Azerbaijan Armenia

Dalalka Azerbaijan iy Armenia ayaa gaaray heshiis cusub oo xabbad joojin ah xilli dambe Sabtidii, taas oo ah isku daygii labaad ee toddobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka saddaxda usbuuc ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.

Xabbad joojinta bani'aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa billaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia

Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.

Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo.

XS
SM
MD
LG