Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo laga qaaday dhagxaan ku xirnaa


Rooble oo xariga ka jaraya furitaanka jidadka
Rooble oo xariga ka jaraya furitaanka jidadka

Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa xalay laga qaaday dhagxaan shub ah oo lagu gudbay muddo dheer ka hor, kuwaasi oo shacabka iyo ganacsatada ay sheegeen inay ku qabeen dhibaato isku socodka.

Mas’uuliyiinta ayaa shegay in jidgoogooyinka loo sameeyey arrimo dhinaca amniga ah, hase yeeshee waxaa dhinaca kale ka cabanayey dadka safraya iyo ganacstada.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Rooble ayaa sidoo kale ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono jidadka kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

XS
SM
MD
LG