Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin ku lug lahaa weerarkii Hotel Cascasey oo dil lagu xukumay


Deeqow Caliyow
Deeqow Caliyow

Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Kismaayo ayaa xukun dil ah ku ridday nin lagu eedeeyey laguna helay inuu ka mid ahaa maleeshiyadii Al-Shabaab ee sannad ka hor weerarka ku qaadday Hoteelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegtay idaacadda dawladda Soomaaliya, ninkan xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Deeqow Caliyoow Kuuso.

Weerarkan oo loo adeegsaday qarax iyo weerar toos ah oo ay maleeshiyadu ku galeen Huteelka ayaa waxaa ku dhintay 33 qof.

Dadka dhinaty waxaa ka mid ahaa labada suxufi ee Hodan Naaleeye iyo Maxamed Sahal. Waxaa sidoo kale ku jiray siyaasiyiin iyo ganacsato.

Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

XS
SM
MD
LG