MUQDISHO —
Deegaannada maamul goboleedka Puntland waxaa maalmihi ugu dambeeyay si xooggan looga dareemayay sicir barar dhanka sarifka ah, kaasi mas’uuliyiinta maamulka, cilmi-baarayaasha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso ay siyaabooyin kala duwan tilmaameen inay sabab u tahay.
Weriyahayaga Nuux Muuse ayaa la kulmay sariflayaasha, Madaxda Maaliyadda iyo Cilmi-baarayaal, waxaana uu nooga soo diray warbixintan.