Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lakers oo ku guuleysatay horyaalka NBA ee Mareykanka


Kooxda Los Angeles Lakers ee kubadda kolayga ayaa ku guulaysatay horyaalka kubadda kolayga ee kooxaha dalka Maraykanka, kadib markii ciyaartii lixaad ay 106 ku garaacday kooxda kale ee Miami Heat oo la timid 93 oo cayaarta kama dambeysta ah ay isugu hareen.

La Lakers ayaa guushii xalay waxaa ay u suuragalisay inay ku guulaystaan horyaalkoodii 17aad ee kooxaha Mareykanka, iyagoo barbareeyay kooxda kale ee Boston Celtics oo aheyd kooxda ugu badan ee ku gulaysatay horyaalka.

Toban sanadood ayay ku qaadatay Los Angeles Lakers inay ku guulaystaan horyaalka NBAda oo ay ugu dambeysay 2010kii, xilligaas oo kooxda uu horkacayay xididgoodii weynaa ee Kobe Bryant, kaas oo sanadkaan ku geeriyooday shil dayuuradeed,

Bryant oo kamid ah xidigihii ugu waangsanaa ee soo mara taariikhda kubadda kolayga ee caalamka ayaa geeridiisa ay gilgishay saaxadda NBAda iyadoo ay si weyn uga naxeen guud ahaan bahda Sport-ga ee dunida.

Ciyaaryahan LeBron James oo ka tirsan kooxda La Lakers, kaas oo la rumaysan inuu yahay sababta ugu weyn kooxdan u suuragalisay guusha horyaalka ayaa markiisii afraad ku guulaysanaya horyaalka NBA-da.

James ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii ugu horreeyay ku guulaysta billadda MVP ee xidigga ugu qiimaha badan ee kubadda kolayga isagoo jooga afar koox oo kala duwan.

LeBron ayaa laba koob hore kula soo guulaystay kooxdii uu xalay wadnaha gooyay ee Miami oo loo tiiriyo inay tahay kooxdii uu kusoo qaatay waayihiisii ugu waangsanaa xirfaddiisa, halka kooxdii uu kusoo barbaaray ee Cleveland Cavaliers uu kula guulaystay hal koob horyaal iyo habeenkii xalay oo isku qoray buugga taariikhda ee kooxda LA Lakers.

Xanuunka COVID19 ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay sanadkan nidaamkii loo qaban jiray horyaalka kubadda kolayga ee Mareykanka.

Taageerayaasha kooxaha ayaa loo diiday inay soo xaadiraan garoomada cayaaraha iyadoo la raacayo tilmaamaha ka hortagga Coronavirus oo dartiis horyaalka loo hakiyay dhowr bilood.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:38 0:00

XS
SM
MD
LG