Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Dhaqanka Soomaalida iyo dhallinyarada


Map
Map

Dadka Soomaaliyeed oo soddonkii sanadood ee ugu dambeeyey ku kala baahay qaaradaha dunida, qaarkoodna ay dalka gudihiisa ku baro kaceen, kadib markii dagaalo iyo abaaro ay ku soo noq-noqdeen deegaanadoodii ayaa la sheegayaa in dhaqankii dhallinyarada soo koraysaahi uu ku milmay dhaqamada kale ama ay waayeen cid ay hiigsadaan.

Isbedelka xoogan ee la sheegayo inuu ku yimi dhaqanka soojireenka ahaa ee Soomaalida ayay dadka waaweyni waxay badanaa dhalinyarada ku dhaliilaan in ay mas'uul ka yihiin dhaqanka sii lumaya, halka dadka arimaha bulshada falanqeeyaana ay ku doodayaan in dhaliishu ka timid dhinaca waalidka ama dadka waaweyn.

Meelaha sida wayn looga dayrinayo waxa ka mid ah ixtiraamkii dhalinyaradu dada waayeelka ah u hayn jirtay oo la sheegay inuu meesha ka sii baxayo, gaar ahaan marka dadku ku kulmaan baraha bulshada oo lagu arkayo dhalinyaro la murmaya ama aflagaadaynaya qof waalid ugu toosan.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa warbixintan arrimahaasi ku eegaysa.

Dhaqanka iyo Dhalinyarada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:25 0:00


XS
SM
MD
LG