Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida oo xustay Maalinta Gabdhaha Dhallaanka ah


Maanta oo kale 11-ka October waxaa Qaramada Midoobay u astaysay Maalinta Gabdhaha Dhallaanka ah.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in afartii gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 19 sano in mid ka mid ah aysan helin shaqo iyo waxbarasho toona, halka wiilasha ay ka tahay 10-kii wiilba mid inuusan fursadahaas helin.

Maalintan waxaa diiradda la saaraa in wacyigelin laga sameeyo ka hortagga gacan ka hadalka lagula kaco gabdhaha iyo xadgudubyada jinsiga ku salaysan, inay helaan xirfado kala duwan oo mustaqbalka gacan ka gaysta horumarkooda iyo inay ka qaybqaataan isbeddelka bulshada.

Waxaan idiin soo gudbineynaa warbixino kala duwan oo ku saabsan muhiimadda maalintan, isla markaana soo gudbinaya dareenka dadka ka damqada xadgudubyada gabdhaha una dooda xuquuqdooda.

Waxaa soo kala diray weriyayaasheena Xasan Kaafi Qoyste, Xuseen Saxnuuni iyo Khadar Xareed.

Soomaalida oo xustay Maalinta Gabdhaha Dhallaanka ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:24:19 0:00




XS
SM
MD
LG