Barnaamijka Qoyska waxa aan toddobaadkan ku soo qaadanayaa caqabadaha waalidka iyo iskuulada qaar ka haysta in carruurta yar yar ay ka dhaadhiciyaan xanuunka COVID 19 iyo xaladda kala fogeynta bulshada.
Waxaa barnaamijka marti ku ah Cabdi Cabdule oo maamule ka ah dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Sayniska iyo Teknoliga ee Symteck Academy ee ku yaala magaalada Mineaplis ee gobolka Minesota. Waxa uu barnaamijkan Qoyska uga sheekeynayaa waxa loo baahan yahay in waalidku sameeyo si carruurtu ay u fahamto xaaladda lagu jiro iyo sidoo kale sida iskuulada laaftigoodu u caawiyaan carruurta qaar ee laga yaabo in xubno ka mid ah qoyskooda ay ku waayeen xanuunka covid 19.
Lifaaqa hoose ka dhageyso barnaamijka oo faah faahsan.