Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo beenisay in lasii daayey dhaqaatiirta Cuba


Axmed Ciise Cawad
Axmed Ciise Cawad

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey in la sii daayey laba dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sannad iyo badh ah ay haystaan ururka Al-Shabaab.

Wasiirka oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo la been abuuray.

Wasiirku waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sii daynta dhakhaatiirtaasi.

Labada dhakhtar oo lagu magacaabo Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández ayaa ay afduubteen maleeshiyada Al-Shabaab bishii April ee sannadkii hore, waxaana laga afduubtay gobolka Mandera ee Kenya.

Afduubka kadib ayaa la sheegay in la geeyey dadkaasi dhinaca Soomaaliya ayna gacanta ku hayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Labada dhakhtar oo kala ah dhakhtar xanuunnada guud iyo dhakhtar qalliinka ah ayaa ka mid ahaa koox dhakhaatiir ah oo Cuba ay u dirtay Kenya si ay uga gargaaraan dhinaca caafimaadka.

Wasiirka waxa uu u warramay Falastiin Axmed Iimaan

Soomaaliya oo beenisay in lasii daayey dhaqaatiirta Cuba
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:51 0:00


XS
SM
MD
LG