Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe oo shuruud ku xiray doorasho ka dhacda Gedo


Madaxweyne Axmed Madoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo ka hadlay magaalada Kismaayo kadib shirkii arrimaha doorashada ee madaxda Soomaalida ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa shuruud ku xiray doorasho ka dhacday gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ciidamada ay gaysay gobbolka Gedo ay kala baxdo doorashada ka hor, haddii kale aysan halkaas ka dhici doonin doorasho.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey ciidamadaas inay burburinayaan maamuladi ka dhisnaa gobolka Gedo.

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo ayaa ah labada magaalo ee maamulka Jubaland ee loo asteeyey inay ka dhacaan doorashada xildhibaanada federaalka ee kasoo galaya Jubaland.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Nairobi ka soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG