Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Waare oo diiday jadwalka soo xulista xildhibaanada


Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid jadwalka guddiga soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Talaabada madaxweynaha ayaa timid ka dib markii guddigu uu soo bandhigay, sida uu noqonayo jadwalka soo xulista ee xildhibaanada, sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA-da ee Hirshabeelle Xuseen Xasan Dhaqane.

Warbixinta Hirshabelle
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

Dhanka kale, maamulka Hirshabeelle oo kaashnaya ciidamada millatariga Soomaaliya ayaa howl-gallo ka sameeyay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Meelo ay ciidamada dagaalka kula galeen Al-Shabab ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Basra. Haddaba dagaalladaasi ayaa wariyaha VOA-da Cabdicasis Barroow uu ka wareystay, Wasiirka Amniga maamulkaas Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.

Dhageyso wareysiga wasiirka amniga H.Shabelle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00


XS
SM
MD
LG