MUQDISHO —
Mas’uulyiinta ammaanka maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay qabteen saddex qof oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay sheegeen gudaha magaalada horey uga fuliyay weeraro kala duwan oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in hadda ay qorshaynayeen inay weeraro kale ka fuliyaan magaalada Kismaayo.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, weerarada ay kooxdan ka gaystaan gudaha magaalada Kismaayo ayaa u badnaa weeraro bambaano iyo miinooyin ay maleeshiyaadka la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo ciidamada maamulka Jubaland.
Wariyaha VOA, Khadar Maxamuud Xareen ayaa warbixintan kasoo diray Nairobi.