Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HirShabelle oo codsi la xiriira doorashada xildhibaanada u dirtay Amisom


Baarlamanka

Midowga Africa iyo maamul goboleedka HirShabelle ayaa ka wada hadley sidii loo sugi lahaa amniga doorashada xildhibaanada baarlamanka labaad ee maamulkaas.

Kulanka dhex maray Wasaaradda Amniga HirShabelle iyo taliska AMISOM ayaa yimid kadib markii ay HirShabeelle codsatey in laga caawiyio amniga doorashada, xilli deegaano ka tirsan maamulka ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee maamulka HirShabeelle ayaa waxaa sidoo kale lagu soo dooran doona 38 ka mid ah 275-ka xildhibaan ee baarlamanka Soomaaliya.

Doorashada xildhibaanada HirShabellee ayaa dhaceysa dhowaan, halka tan federaalka la qorsheeyey inay dhacdo 10-ka illaa 27-ka bisha December ee sanadkan.

Warkan waxaa Muqdihso kasoo direy wariyaha VOA Cabdicasiis Baroow.

HirShabelle oo codsi la xiriira doorashada xildhibaanada u diray Amisom
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG