Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway: Basaska dadweynaha oo shaqada joojiyey


Wadeyaasha basaska dadweynaha qaada ee ka dhex shaqeeya magaalooyinka dalka Norway ayaa maalintii 9-aad shaqo joojin ku jira, waxaanay saamayn ku yeelatay isku socodka bulshada iyo shaqooyinka.

Magaalada Oslo oo la sheegay in basasku shaqayn jireen 24-ka saacadoodba ayaa haatan dadka qaar ay u lugaynayaan meelo u jira dhawr saacadood.

Wali waxa sii shaqaynaya tareenada magaalooyinka gudohooda iyo gobolada isaga goosha balse ma dabooli karaan baahida gaadiidka dadweynaha loo qabo.

Geesta kale waxa dalkaasi kor u soo kacay tirada dadka laga helayo xanuunka COVID-19 iyo dadka maal qabeenka ah ee isdilaya.

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan inoo haysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:01 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG