Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Rooble oo xilka la wareegay


Rooble oo xilka la wareegay
Rooble oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa 23-kii bishan waxaa codka kalsoonida siiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii uu madaxweyne Farmaajo magacaabay 17-kii bishan.

“Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka hadlayey horumarada ay sameysay xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh xukuumaddiisa, waxaana uu sheegay inay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.

Ra'iisul Wasaare Rooble oo xilka la wareegay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:24 0:00


XS
SM
MD
LG